Maamulka, Howlwadeenada iyo Shaqaalaha Shabakada Shabakada Warbaahinta Warsan waxay hambalyo u dirayaan guud ahaan ummaddaha islaamka meel kastoo ay joogaan gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed taasoo ku aadan Munaasabada Ciidul adxaa.
Agaasimaha guud Shavakadda Warbaahinta Warsan Agaasime Hilaal Sheekh Shuceeb ayaa ugu hambalyeeyay ummada soomaaliyeed ugunna baaqay iney Qaataan Awaamiirta Iyo Talooyinka Caafimaad Ee loogu hortagaayo cudurka Corono viruse ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney is cafiyaan farxada munaasabada ciida awgeed ayna isku naxariistaan si ay u helaan naxariista ALLE.
“Anigoo ku hadlaya magaca dhamaan shaqaalaha, howlwadeenada shabakada Warbaahinta Warsan Baidao iyo keygaba waxaan hambalyo ku aadan Munaasabada Ciidul-adxaa u dirayaa dhamaan ummada islaamka gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo muslimiinta gudanaya waajibaadka xajka oo ka mid ah shanta tiir ee Islaamka” ayuu yiri Agaasimaha.
Agaasime Hilaalayaa u rajeeyey dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan shucuubta islaamka meel kasta oo ay joogaan iney sanadkan kiisa kale ku gaaraan, guul horumar, nabad iyo Barwaaqo.