Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdi Caziiz Xasan Laftagareen, ayaa maanta salaadda Ciidul Addxaaga Dadweynaha kula tukaday ee magaalada Baydhabo.
Madaxweynaha ayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dadweynaha Koonfur Galbeed, ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciida, wuxuuna bulshada ugu baaqay ka shaqeynta illaalinta Nabadda, midnimada iyo horumarka.
Sidoo kale waxaa tukashada salaada ka qeyb galay Gudoomiyaha Baarlamaanka Cali saciid Fiqi iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka koonfur Galbeed .
Madaxweyne Laftagareen uu salaada Ciida ka dib hadal kooban jeediyey ayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa koonfur galbeed ugu hambalyeeyey munaasabada ciida, isagoo alle uga baryey iney sanadkan kiisa kale ku gaaraan horumar iyo Barwaaqo.
HALKAN HOOSE KADAAWO SAWIRADA