Hay’ada u qaabilsan caafimaadka adduunka WHO ayaa sheegtay inay korortay tirada bukaanada uu soo ridanayo cudurka Covid-19 iyadoo maanta oo Jimcaha oo kaliya uu ku dhacay dad gaaraya 292,527 oo ruux.
Tirada ugu badan ee laga helay cudurkan ayaa waxa ay ku kala nool yihiin dalalka Maraykanka,Brazil,Hindiya iyo Koofur Afrika.
Hay’ada WHO ayaa hore u diiwaangelisay tirada ugu badan ee cudurkan maalin kaliya soo ritey bishii July 24keedii taasoo gaareysay 284,196 ruux.
Inku dhow afartan dal ayaa sheegay in laga helay cudurka Covid-19 tiradii ugu badneyd ee cudurka toddobaadkii la soo dhaafay.
Dalalka uu cudurkan ku sii kordhay ayaa waxaa ka mid ah Australia, Japan, Hong Kong, Bolivia, Sudan, Ethiopia, Bulgaria, Belgium, Uzbekistan iyo Israel.
Madaxa hay’ada caafimaadka adduunka WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in saameynta uu cudurka Covid-19 ku leeyahay caalamka ayaa laga dareemi doonaa tobanaanka sano ee soo socda.
Caalamka oo dhan ayaa dad gaaraya 17.4 malyan oo ruux uu cudurkan ku dhacay halka ay u dhinteen dad gaaray 675,000 ruux.