Dagaal u dhaxeeyey ciidamada ammaanka Puntland iyo maleeshiyaad hubeysan ayaa saakay ka dhacay magaalada Gaalkacyo, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.
Taliyihii ciidanka illaalada madaxtoyada Puntland G/Sare Cismaan Cumar Maxamed ayaa ku dhintay dagaalkaas, sidoo kale waxaa ka dhashay dhaawacyo.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada ammaanka Puntland ay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ka bilaabeen howlgal amni xaqiijin ah.
Howlgalkaas ayaa ka dhacay Warshada Kabista Gaalkacyo, halkaas oo maleeshiyo hubaysan oo maandooriyaha ka ganacsada ay muddo ku sugnaayeen, waxaana ciidamada iyo maleeshiyaadkii halkaas ku sugnaa ka dhex qarxay dagaal muddo socday.
Ugu dambayn ciidamada amniga maamulka Puntland ayaa la wareegay goobtii lagu dagaalamay, iyagoo gacanta ku dhigay 8 ka tirsanaa maleeshiyadii ka ganacsanaysay maandooriyaha.
Waa dagaalkii labaad oo todobaadyo gudahood magaalada Gaalkacyo ku dhexmara ciidmada Puntland iyo kooxo hubaysan oo maamulka ku sheegto dad ka ganacsada Maandooriyaha, bishii hore ayaa sidan oo kale dagaal uga dhacay gudaha Gaakacyo, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.