Dadweynaha reer Masar ayaa maanta u dareeray goobaha cod-bixinta, waxayna dadkaas soo dooranayaan goalaha Aqalka Sare ee dalkaas Masar.
Doorashadaan waxaa looga dareeray Masar, kadib markii dhawaan wax laga bedelay dastuurka dalkaas.
Dadka codkooda dhiibanaya ayaa waajib looga dhigay in ay qaataan qalabka afduubka, iyo in dadku kala fogaadaan, si looga digtoonaado faafitaanka cudurka Coronavirus.
Golaha ay maanta shacabku dooranayaan, kuwii ka horeeyey waxaa kala diray dowladda militeriga ah dalkaas ka jirta, waxaana la sheegay in dadku sidii loo baahnaa aysan maanta u xaadirin goobaha codbixinta, iyaga oo saluugsan sida ay dowladdu wax u wado.