Kadib howlgal qorsheeysan oo sadaxdii maalmood ay ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee danab kawadeen degmada kuntuwaareey ee gobolka shabeelada hoose ayay ciidanka kusoo qabteen guri maleeshiyaadka al-shabaab ay ku keedinjireen waxyaaba qaraxyada laga sameeyo
Xiliga ciidanka guriga ay galayeen ayaa waxaa kudiyaarsanaa miinooyinka dhulka lagu aaso iyo kuwo loogu talagalay in lagu raro gaadiidka iyomaadooyin badan oo ah kuwa qaraxyada laga sameeyo.
Ciidanka ayaa waxay sidookale soo qabteen ilaa sadax ruux oo kamid ah maleeshiyaadka al-shabaab kuwaasi oo lagu soo qabtay iyagoo diyaarinayo qaraxyo sida uu kusoo waramayo masuuliyiinta Ciidamadda Qalabka Sida kumaandooska danab iyo maamulka degmada kuntuwaarey
Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ayaa waxaa gobolka shabeelada hoose kawadaan howlgalo lagu baacsanayo maleeshiyaadka al-shabaab.