Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada xukumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa Maanta kulan la qaatay guddiga Jaamacadaha Dalka.
Wasiir Goodax iyo guddiga ay aka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin sidii loo horumarin lahaa tacliinta, waxaana ay sidoo kale ay isla meel dhigeen sidii loosoo dedajin laha shaacinta najiiyada Imtixanaadkii dugsiyeedkii 2019/2020.
Waxaa la isla gartay in Natiijada laga soo harmariyo waqtiga ay Jaamacaduhu furmaya si ardayda Soomaaliyeed aysan ka habsaamin casharada.
“Waxaan maanta kulan la qaatay Guddiga Jaamacadaha Dalka. Waxaan ka wada hadalnay horumarinta iyo tayeynta tacliinta dalka iyo in la shaaciyo natiijada imtixaanka ee sannad-dugsiyeedka 2019/2020 kahor xilliga ay jaamacadaha furmayaan, si ardayda Soomaaliyeed aysan ka habsaamin casharada” ayuu yiri siihayaha Wasiirka wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda federaalka Soomaaliya.