Wararka laga helaayo dalka Lubnaan ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqa Xisbullaah ay soo rideen diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn oo ay leedahay xukuumadda Israel.
Dhaqdhaqaaqa oo arintaan sheegtay ayaa sidoo kale xusay iney diyaaradda ku duushay khadka loo yaqaano “Blue Line”, taasoo gabi ahaanba meesha ka saareysa in Israel ay ciidamadeeda kala baxdo dalkaas.
Xisbullaahi waxey sheegeen in dagaalyahanadooda ay diyaaradda kusoo rideen meel u dhaw garoonka Aita Al Shabaab.
Israel waxey qiratay in diyaarad laga soo riday walow ay sheegeen iney ka hortageen isku day ay xisbullaah ku doonayeen iney sidaan oo kale ku sameeyaan ka hor hawlgalkaan.
Dhaqdhaqaaqa ayaa beeniyay warka Israel ee sheegaya iney fashiliyeen hawlgal hore, waxaana xoogeysanaya baacsiga labada dhinac.
Labada dowladood ee Lubnaan iyo Israel waxaa la fahamsan yayay inuu dagaal ka dhaxeeyo, iyadoo ay dhexdhexaad ahaan xuduuda labada dhinac ay joogaan ciidamada UNIFIL ee qaramada midoobay.
Ciidamadaan oo la aas-aasay 1978 ayaa xuduuda labada dal la dhigay sanadkii 2006 kadib dagaal bil socday oo dhexmaray Xisbullaah iyo Israel
Dhanka kale Isbaheysiga uu hogaamiyo Sacuudiga ee ka dagaalamaya gudaha Dalka Yemen ayaa shaaciyay in saakay fashiliyeen qarax kooxda Xuutiyiinta doonayeen in ay ku weeraraan gudaha Sacuudiga.
Ciidamada cirka ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa la sheegay in ay bur buriyeen dayaarad nooca aanan duuliyaha laheyn oo ay saarraayeen walxaha qarxa, Diyaaradan ayaana ku wajahneyd gobolka Jazan ee kuyaala Koonfurta Sacuudiga.
Afhayeenka xoogagga Isbaheysiga, Colonel Turki al-Malki, ayaa sheegay in la fashiliyay diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn oo kooxda Xuutiyiinta dooneysay in qarax uga geesato gudaha Sacuudiga.
Kooxda Xuutiyiinta ayaa marar badan weeraro gantaalo ah ku qaaday gudaha Sacuudiga, weeraradaasi qaarkood ayaana dhaliyay khasaaro kala duwan, Sacuudiga ayaana sheegay in marar badan bur buriyeen qantaalo ku wajahnaa Sacuuduga.