Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa xafiiskiisa kula kulmay guddiga Dastuurka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya iyo Guddiga Madaxabannaan ee Dastuurka.
Guddiga waxaa ay uga warbixiyeen guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan heerka uu marayo geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka iyo caqabadaha hortaagan dhamaystirka Dastuurka, kuwaas oo loo baahan yahay in wax laga qabto.
Sidoo kale guddiga ayaa uga warbixay guddoomiyaha baarlamaanka arrimo dhowr ah oo la xariira waxyaabihii u qabsoomay iyo sidoo kale wax yaabo kale oo loo baahan yahay in wax laga qabto, kuwaas oo u muuqda in ay caqabad ku yihiin howlahooda guddi ahaan.
Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa wuxuu bogaadiyey hawsha ay qabteen labada guddi waxana uu ku booriyay inay sii kordhiyaan howlaha ay hayaan.
Maxamed Mursal ayaa dhagaysiga guddiga kadib waxaa uu ku bogaadiyay howsha ay hayaan, asagoo lawadaagay sida xal loogu heli lahaa caqabadahaas ay usoo gudbiyeen guddiga guddiga Dastuurka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya iyo Guddiga Madaxabannaan ee Dastuurka.