Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho ku qaabilay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.
Xildhibaannada uu la kulmay Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan Cabadirashid Maxamed Xidig oo ka tirasn Xildhibaannada Golaha Shacabka.
Madaxweyne Deni iyo Xidig ayaa waxaa ay ka wada hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha doorashooyinka.
Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho ku qaabilay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mowliid Xuseen Guhaad, Ra’iisalwasaare ku-xigeenkii hore xildhibaan Cabdiwahaab Ugaas Xuseen, Wasiiru dowlaha Boostada iyo Isgaarsiinta Xildhibaan Cabdullaahi Bile Nuur iyo marti sharaf kale