Guddiga maaliyadda,Miisaaniyadda,Qorshaynta iyo la- xisaabtanka Hay’addaha Dowladda ee golaha Shacabka ayaa waxa uu kulan Ku yeesheen xarunta Guddiyadda ee villa-Hargeysa.
Kulankaan oo Ajandihiisu ahaa howlaha shaqo ee horyaalo guddiga iyo sidii ka shaqeyntooda mudnaan loo kala siin lahaa iyo sidoo kale xoojinta howlaha horyaala.
Kulanka Waxaa shir-gudoominaayey ku-simaha guddoomiyaha guddiga Maaliyadda ahna guddoomiye Ku-xigeenka guddiga Xildhibaan Aamina Sheekh Cusmaan.