Kulankaan ayaa waxaa uu ka dhacay Hoyga uu Magaalada Muqdisho ka degan yahay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, iyaga oo ka wada hadlay Arrimo dhowr ah.
Kulanka ayaa waxaa wararka la helay ay sheegayaan inay uga hadleen labada mas’uul arrimaha la xiriira shirka Madaxweyne Farmaajo , Madaxda Dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir uga socdo Muqdisho.
Sidoo kale kulanka ayaa waxaa ay uga hadleen arrimo ku saabsan xaalada siyaasadeed ee dalka iyo doorashooyinka, iyaga oo sheegay inay muhiim tahay inay dalka ka dhacdo doorasho la isku raacsan yahay.
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa waxaa ay muqdisho u yimaadeen ka qeyb-gallka Shirka Muqdisho uga socdo Madaxweyne Farmaajo , Madaxda Dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir