Madawaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in uu diyaar u yahay kulan uu la yeesho Ra’iisul Wasaaraha dalka Giriiga, si ay xal uga gaaraan khilaafka u dhaxeeya.
Xiisadda labada dal ayaa todobaadyadii ugu dambeeyey cirka iskusii shareereysay, kadib markii Turkigu sheegay in uu kheeraad ka baarayo bariga biyaha Mediterraneanka oo ay labada wadanba sheegtaan.
Dowladaha Turkiga iyo Gariigga ayaa ka wada tirsan ururka NATO, iyadoona khilaafka u dhaxeeya ay maalmihii ugu dambeeyay isku howshay in ay xaliso dowladda Jarmalka, kahor inta uusan furmin kulan waynaha Midowga Yurub.