Madaxweynaha dalka Peru Martin Vizcarra ayaa ka bad baday mooshin xil ka qaadis ah oo ay xildhibaanada dalkaasi u qaadeen.
Kulan qaaday waqti ka badan saacadood oo ay xildhibaanadu yeesheen ayay xildhibaanada mucaaradku ku guul daraysteen inay helaan codad ku filan si ay m/weynaha u ridaan.
Labo iyo Sodon xildhibaan ayaa u codeeyay in m/weyne Martin xilka laga qaado halka 78 kalena ay diideen.
Mucaaradku waxay u baahnaayeen 87 cod si m/weynuhu xafiiska uga tago.
Todobaadkii hore ayay ahayd gudoonka baarlamaanka dalka Peru loo gudbiyay mooshin ka dhan m/weynaha dalkaas Martin Vizcarra