Guddoonka Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya iyo xildhibaano ka tirsan golaha ayaa xalay hoygiisa ugu tegay ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.
Guddoomiye Maxamed Mursal iyo ku xigeenkiisa Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey oo ay wehliyaan xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ayaa ka soo muuqday kulankaas.
Warar aan helnay ayaa sheegaya in ra’iisul wasaare Rooble kulanka golaha shacabka la hor geyn doono berrito oo Isniin ah, si codkooda kalsoonida ay u siiyaan.
Sidoo kale waxaa Muqdisho ka bilaawday kulamo gaar-gaar ah oo xildhibaanada iyo siyaasiyiinta kale ay yeelanayaan, kuwaas oo lagu kasbanayo in codka kalsoonida la siiyo ra’iisul wasaaraha cusub ee dhawaan uu soo magacaabay madaxweyne Farmaajo.