Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa weerar xalay ku qaaday Bar-koontarool oo ciidamada Nabad sugidda Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Ceel-jaalle oo dhaca duleedka bari ee magaalada Beledweyne.
Saraakiisha ciidamada NISA ee fariisinkooda la weeraray ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dagaalkaas uu biloowday kadib markii Al-Shabaab ay soo weerareen Bar-koontarool oo ciidamadu ay ku hubiyaan dadka iyo gaadiidka gelaya magaalada.
Dagaalka ayaa socday in ka badan saacad, waxayna wararka hor dhaca ah ee laga helayo sheegayaan in uu jiro khasaare ka soo kala gaaray labada dhinac.
Si rasmi ah looma oga inta uu ka dhanyahay khasaaraha ka shashay dagaalkaas, waxaana saakay bilaawday howlgallo ay si wadajir ah u sameynayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ka howlgala gobolka Hiiraan.
Xaaladda aaggii lagu dagaalamay ayaa saakay degan, waxayna saraakiisha Soomaaliya sheegeen inay dib ulaabteen Shabaab-kii weerarka ku soo qaaday, kadib markii ay iska caabiyeen, iyagoo balan qaaday inay dib ka soo sheegi doonaan khasaarihii ka dhashay dagaalkaas.
Mudadii uu socday dagaalka u dhaxeeyay Shabaab iyo NISA waxaa xaalad koronto la’aan ah ay ka jirtay xaafadaha magaalada Beledweyne, taas oo cabsi badan kusii abuurtay dadka ku dhaqan magaalada.