Haweeney la sheegay in ay dooneysay in ay sumeyso madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta lasoo gaatayaa maxakamad federaal oo ku taalla Mareyanka.
Haweeneydaas ayaa magaceeda lagu sheegay Pascale Ferrier waxayna diiday qirashada gabi ahaamba inay gashay wax dembi ah.
“Magaranayo sabab aan u bartilmaameed-sado Madaxweyne Trump oo la igu eedeynayo inaan dili rabay” ayey tiri.
Sunta halista ah ee Ricin ayaa maalmo ka hor lagu soo tuuray Aqalka Cad ee Mareykanka, gaar ahaan xafiiska madaxweynaha.
Pascale Ferrier waxay noqotay haweeneydii ugu horeysay ee loo maxkamadeynayo fal-dembiyeed la xariira khaarajin madaxweyne oo ka dhacay Mareykanka.