Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyey Xildhibaannada Golaha Shacabka kalsooni-siinta iyo ansixita Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo uu xilka u magacaabay 17-kii bishan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku tilmaamay raysal wasaarihiisa inuu yahay shakhsi wadaniyadiisu sareyso oo uu ku aamino karo xilka culus uu u magacaabay, wuxuuna barlamaanka ka rajeeyay inay sidoo kale meel marindoonaan xukuumada uu soo dhisidoona.
“Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waa muwaadin Soomaaliyeed oo aqoonyahan ah, waayo-arag ah oo waddaniyaddiisu ay sarreyso. Waxaa laga rabaa in uu soo dhiso Xukuumad tayo leh oo sii ambaqaadi karta howlaha muhiimka ah ee dalka hortabinta u leh.”
Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay tallaabooyinka ugu horeysa ee uu qaadidoono inay yihiin amniga iyo arrimaha doorashooyinka