Xildhibaanada gobolaha shacabka oo maanta oo Arbaco ah ku kulmaya xarunta ay sida KMG ugu shiraan ee Filla Hargeysa ayaa warbixin ka dhagaysan doona madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taas oo uu kaga hadlayo xaaladda dalka.
Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayaa mudanayaasha golaha shacabka u jeedinaya codsi ku aadan in la ansixyo Ra’iisal wasaaraha magacaaban mudane Maxamed Xuseen Rooble, si uu xukuumad cusub u soo dhiso.
Todobaadka soo socda ayaa sidoo kale la filayaa in fadhi wadajir ah oo ay yeelanayaan golaha shacabka iyo aqalka sare la horkeeno heshiiska siyaasadeed ee doorashada, si ay u meel mariyaan isuguna badalo sharci habraac u noqda geedi socodka doorashada dalku aadayo dhawaan.
Dhanka kale Waqtiga Baarlamaanka la horgeynayo heshiiskii doorashada oo la shaaciyay
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen oo Baydhabo dib ugu laabtay, kadib maalmo uu ku sugnaa Muqdisho ayaa ka hadlay heshiiskii doorashada oo ay Muqdisho ku gaareen iyo waqtiga Baarlamaanka la horgeyn doono.
Laftagareen waxaa uu sheegay in Maalinta Sabtida ah ee soo socota Baarlaamanka labada Aqal oo kulan wadajir ah yeelanaya la horgeyn doono heshiiskii doorashada oo ay wada gaareen, Madaxweyne Farmaajo, Madaxda Dowlad goboleedyada & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in labada Aqal ee Baarlamaanka ay meel mariyaan heshiiska si looga gudbo wax walba oo shaki gelin kara in uu dhaqan galo heshiiska.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa Madaxda Dowlad goboleedyada waxaa ay kulamo gooni gooni ah la yeelanayeen Xildhibaannada Federaalka ku matala, iyaga oo ka codsaday inay ansixiyaan heshiiska doorashada si aan dadka Soomaaliya waqtiga looga lumin.