Ku xigeenkii hore ee Xeerilaaliyaha qaranka, sharciyaqaan Ilyaas Shariif Mustafa ayaa dhowaantan baahiyay in uu u tartami doono ka mid noqoshada xubnaha golaha baarlamanka federaalka ee dhowaantan la soo xuli doono.
Sharciyaqaan Ilyaas oo hore xilal kala duwan uga soo qabtay gobolka Baay iyo dowladda dhexe, haddana ah la taliye sare oo ka tirsan xukumadda federaalka ayaa musharaxnimadiisa baahiyay maalin ka hore kadib kulamo maalmo socday oo lugu dhiirigelinayay sidi uu isu soo sharixi lahaa.
Arimaha uu awooda saari doono hadii la doorto mar wax laga weydiiyay ayuu sharciyaqaan Ilyaas sheegay in muhimadiisa koowaad ay noqon doonto cadaaladda iyo sinnaanta, isagoo tilmaamay in xildhibaanada haatan koonfur galbeed ku metela baarlamanka federaalka ay badanaa dantooda shakhsiyeed ka hormariyaan tan dadna guud.
Hadii uu sharciyaqaankan ku guuleysto kursiga baarlamanka federlaka ee doorashada la qabanqaabinayo, waxaa ay fursad ugub ah u tahay dhalinyarada sharciyaqaanada Soomaaliyeed iyo kuwa koonfurgalbeedba oo matalaad haboon ka helin baarlamaanadii hore.