Ugu yaraan 22-qof ayaa geeriyootay, kadib markii dalka Ukrain ay ku bur-burtay diyaarad militery, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dowladda.
Wasaaradda arimaha deg-dega ah ee dalka Ukrain ayaa sheegtay in diyaaradda ay la socdeen ilaa 27 ruux.
Labo kamid ah dadkii diyaaradaasi saarnaa ayey soo gaareen dhaawacyo halis ah, halka seddax kalena weli labaadi goobayo.
Illaa hadda lama xaqiijiyin waxa sababay shilka diyaaraddaas, iyadoona mas’uuliyiintu ay sheegayaan in uu socdo baaritaan ku aadan waxa sababay bur-burka diyaaradda.
Madaxwaynaha dalkaas Ukrain Volodymyr Zelensky, ayaa la filayaa in maanta uu booqdo goobta ay mashaqadu ka dhacday.