Kumanaan ruux oo hor leh oo dalbanaya inuu is casilo r/wasaaraha Yahuuda Binyamin Natanyahu ayaa maanta iskugu soo baxay magaalada Qudus ee dhulka Falastiin ayadoo dalkaas uu ku jiro xaalad bandaw ah oo loo geliyay xanuunka Karoona dartiis.
Warbaahinta Israel ayaa laga daawaday dibad baxayaal caraysan oo ka hor yimid go’aanka bandawga lagu saaray magaalooyinka Israel waxaana dadkaasi dalbanayaan in r/wasaare Natantahu xafiiska ka tago madax uu ku kacay musuq maasuq iyo wax is daba marin.
Raisal wasaaraha lagu kacsanyahay oo muuqaal uu soo duubay warbaahinta laga sii daayay waxaa uu codsaday in dadka guryahooda ku laabtaan.