Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo marti ku ahaa dood cilmiyeed uu soo agaasimay Machadka Raas ee Falaanqeynta Siyaasadda ayaa la weydiiyey su’aalo dhawr ah oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa inta badan su’aalihii la weydiiyey ka bixiyey jawaabo koo-kooban, waxaana jiray qaar kamid ah su’aalihii ay weydiiyeen shacabka Soomaaliyeed oo uu ku guuldareystay in uu uga jawaabo.
Su’aalaha uu ku guul-dareystay Farmaajo inuu uga jawaabo shacabka waxaa ka mid aheyd su’aal ay gabari ka weydiisay qorshaha doorasho ee dowladda Soomaaliya uga degan gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.
Farmaajo ayaa ku jawaabay “Rowdo su’aashaadu way igu adag kama jawaabi karo” balse jawaab la’aantiisu waxay abuurtay hadal heyn badan, iyadoo dadka qaarna ay ka caroodeen.
Xildhibaan Cali Cabdiwaaxid waxa uu ka mid yahay baarlamanka Puntland, waxaana laga soo doortay gobolka Sanaag, waxuuna sheegay in madaxweyne Farmaajo uu su’aashaas ka booday isagoo dad gaar ah ku raali gelinaya.
“Farmaajo caawa, waxa uu dafiray jiritaanka dadka u dhashay gobollada Sool iyo Sanaag, isaga oo raalli-gelinaya dad lamid ah dadka gobolladaas dega. Dadka Sool iyo Sanaag, caawa wax badan oo aysan hore uga aqoon Farmaajo ayey ka barteen, waxaan filayaa in sida uu su’aasha uga booday looga boodi doono isna” ayuu yiri Xildhibaan Cali.