Dalada ay ku midaysan yihiin Ururada bulshada rayidka kgs (Soswensa) ayaa kahadlay Heshiiskii Siyaasadeed ee Doorashooyinka 2020/2021 ee madaxweyne Farmaajo iyo madaxda Dowlad Goboleedyada ku gaareen magaalda muqdisho.
Gudoomiyaha Soswensa mudane C/qaadir Sheekh C/wahaab oo waraysi siiyey radio warsan ayaa sheegay in ay soo dhawaynayan heshiiskaas siyaasadeed isagoona tilmaamay doorka ururada bulshada rayidka ee doorashooyinka soomaliya wuxuuna ku baaqay in ururka Soswensa laga qayb geliyo gudiyada lasoo xulayo sida gudiga Doorashooyinka iyo gudiga xalinta qilaafaadka.
Waraysigan waxaa qaaday Maxamed C/raxmaan Cabdulle (Maleele