Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa cisbitaal oo qaaday wax ka yar 24 saacadood kadib markii laga helay cudurka coronavirus.
Aqalka Cad ayaa sheegay in go’aanka loogu qaadayo Xarunta Caafimaadka Milatariga ee Walter Reed “laga qaatay” taxaddar fara badan “.
Mr Trump – oo qandho qabay – ayaa sheegay subaxnimadii hore ee Jimcaha isaga iyo marwada koowaad Melania Trump in laga helay Covid-19.
Aqalka Cad ayaa sheegay inuu dareemayo “daal laakiin niyaddiisu ay aad u sarrayso” uuna la kulmayo astaamo khafiif ah.
Warkan ayaa imanaya bil uun ka hor doorashada madaxtinimada, halkaas oo uu ku wajihi doono Joe Biden oo ka tartamaya xisbiga Dimuqraadiga.
sagoo xidhan maaskaraha wejiga iyo suud madaw ayuu, Mr Trump wuxuu socod ku maray barxadda Aqalka Cad galabnimadii Jimcaha xilli uu ku sii socday helikabtarta, Marine One, oo ugu qaadaysay safarka gaaban dhankaa iyo cisbitaalka.
Wuxuu u gacan haadiyay wariyeyaasha laakiin waxba ma uu odhan inta aanu diyaaradda fuulin.
Muuqaal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu Mr Trump ku yiri: “Waxaan rabaa inaan uga mahadceliyo qof walba taageerada weyn ee aad ii fidiseen. Waxaan aadayaa cisbitaalka Walter Reed. Waxaan u maleynayaa inaan aad u fiicanahay.”
“Laakiin waxaan hubinaynaa inay wax hagaagaan. Marwada madaxweynaha aad ayay u fiican tahay. Markaa aad ayaad u mahadsan tihiin, waan idinku ku qanacsanahay, weligayna ma illaawi doono – waad mahadsan tihiin.”