Ilo xog ogaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu qorsheeyay in uu ku dhawaaqo liiska golaha wasiirada cusub.
Ra’iisul wasaare Rooble ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday wadatashiyo uu la qadanayay qeybaha kala duwan ee bulshada.
Liiska golaha wasiirada ayaa waxaa kaaso dhex muuqan doona wasiirada hore iyo kuwa cusub, waxaana qorshuhu ku dhawaaqida yahay 48 saac ee socota.