Munaasabadan lagu Qabtay Xaruunta CID ayaa ujeedadeedu waxay ahay mid lagu daah furayay qeyb cusub oo lagu soo kordhiyay xarunta CID ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ah Waaxda Hogaanka Baarista Dambiyadda Qeybta Faraha oo Qaab Electronic ahaan loo badalay
Gudoomiyaha Maxkamadda Sare dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa ayaa xariga ka jaray Waaxda Hogaanka Baarista Dambiyadda, waxaana halkaasi ku sugnaa Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda iyo masuuliyiin kale
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sharxay muhiimada ay leedahay waaxdaan,wuxuuna carabka ku adkeeyay iney kor u qaadeyso adeega xaruntan ay u heyso Shacabka Soomaaliyeed.
Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in waxdan ay fududeyn karto in danbiilaha gacanta lagu soo dhigo.
Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in dhammaan taliska booliska uu ahmiyad weyn siiyo waaxdaan iyo la dagaalanka dambiilaha.
Waaxda Hoggaanka Baarista Dambiyadda qeybta Faraha ayaa waxay ka mid tahay Goobihii ku bur buray dagaaladaii sokeyay ee dalka,laakiin taliska ciidanka booliska ayaa ku guuleystay in dib loo soo celiyo waaxdan.