Allaha ha naxariistee waxaa magaalada jij jiga ee dowlad deegaanka Soomaalida itoobiya ku geeriyooday Ra’iisulwasaarihii hore ee dowladii ku meel gaarka Cali Maxamed Khaliif Galayr.
Allaha u naxariistee geerida Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr waxaa warbaahinta qaranka u xaqiijiyay sii hayaha wasiirka warfaafinta dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo, Ra’iisul wasaaraha dalka iyo madaxda dalka ayaa ka tacsiyeeyay geerida Ra’iisul wasaarihi hore Cali Khaliif Galeyr.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo,guddoomiyaha golaha shacabka ee barlamaanka jamuuuriyada federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ,guddoomiyaha golaha aqalka sare ee barlamaanka Soomaaliya Cabdi xaashi Cabdullaahi iyo Ra’isul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii naxtin leh eek u timid Ra’iisulwaarihii hore ee Soomaaliya Allha ha naxariistee Cali Khaliif Galeyr oo maanta ku geeriyooday magaalada Jig jiga ee dowlad deegaanka Soomaalida etoobiya.
Madaxda qaranka ayaa uga tacsiyadeeyay qoyska,ehelada iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxaamka waxaana alle ay baryeen inuu naxariista janna ee ka waraabiyo.
Allaha ha u naxariistee marxuum Cali Khaliif Galeyr waxa uu ku dhashay magaalada laasa caanood ee gobolka Sool sanadka markuu ahaa 1941-kii waxaana waxbarashada aas aasiga ilaa dugsiga sare uu ku qaatay degmada Sheekh. ee uu ku dhameystay dugsiga sare sanadku markuu ahaa 1962-kii .
Galeyr sidoo kale waxa uu ka mid noqday xubnihii barlamaanka dowladdii Dhexe sanadkii 1980.
1989 waxaa uu madaxweyne Maxaned Siyaad Barre u magacaabay wasiirkii waxbarashada waxaana uu haahayay 1996 oo ay ku bur burtay dowladii dhexe.
Galeyr waxa ka mid ahaa dadkii aqoon yahanada ahaa ee ka soo shaqeeyay shirarkii dib loogu yagleelay dowladnimada hada aan ku naalooleyno carta ee lagu qabatay dalka Jabuuti.
Sidoo kale AUN Marxuumka waxa uu noqday xilidhibaan dowladii ku meel gaarka ah ee hogaaminayay Madaxweyne Cabdi qaasim salaad Xasan waxaana 8-dii Oktoobar ee 2000 uu u magacaabay xilka ra’iisul wasaarinimo waxaana uu hayay ilaa iyo oktoobar 28-keedii sandkii 2001.