Dagaal khasaaro geystay ayaa saakay Ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwa dowladda Federaalka iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ku dhexmaray deegaan ka tirsan Gobolka Baay.
Dagaalkaas ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii Ciidanka dowladda ay weerar ku qaadeen fariisimo Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Qod-qod oo 35 KM u jira degmada Diinsoor, iyadoona uu dhacay dagaal socday muddo ku dhow hal saac.
Dad ku sugan halka uu dagaal ka dhacay ayaa soo weriyay in waaberigii hore ee saakay weerar lagu soo qaaday deegaanka Qod-qod, isla markaana ay maqlayeen dhawaqa rasaas xoogan oo labada dhinac ay isdhaafsanayeen.
Guddoomiyaha Maamulka Degmada Diinsoor Cabdisalaan Xaaji Diyaar oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay la wareegeen deegaanka, kadib markii ay weerar ku qaadeen.
Sidoo kale Guddoomiye Cabdisalaan Diyaar ayaa sheegay in weerarka uu ka dhashay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah, waxaana halkaas lagu dilay laba qof, halka mid kalena dhaawac uu soo gaaray, sidoo kalena Ciidamada ay Al-shabaab kasoo furteen 8 qof oo u xirnaa.
Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo deegaanka Qod-qod ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in xaaladda ay degan tahay, isla markaana Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ay wadaan howlgal amniga lagu xaqiijinayo.