Shir wadatashi oo looga hadlayo mashruuc la xiriiro ka soo kabashada xasaradaha Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah maamulka Jubbaland.
Shirkan oo ay soo qaban qaabiyeen Wasaaradaha Maaliyadda iyo Qorsheynta Dowladda Federaalka waxaa xoogga lagu saarayaa sidii wax looga qaban lahaa Abaaraha, Fatahaadaha, Ayaxa iyo Cudurka Covid-19, waxaana Dowladda Soomaaliya ka taageeraya Bankiga Aduunka.
Mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Qorsheynta Dowlad goboleedka Jubbaland, Agaasime Waaxeedyada iyo shaqaalaha ayaa goob joog ka ahaa shirka,kuwaas oo aragtidooda ka dhiibanayay shirka intii uu socday
Agaasimaha Wasaaradda Qorsheynta maamulka Jubbaland Cabdiwaaxid Maxamed Dhaqane oo furitaanka shirka hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in shirkan dib loogu eegayo waxyaabihii kaabayaasha dhaqaalaha ee ku waxyeelobay dhibaatooyinkii la soo maray ee ay ka mid ahaayeen daadadka, Abaaraha, Ayaxa iyo cudurka Covid-19 oo halakeeyay dunida intiisa kale.
Asad Yuusuf Qanyare oo ah madaxa xiriirka deeq-bixiyeyaasha ee Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Federaalka ayaa sheegay inuu shirka ujeedkiisu uu yahay sidii looga hortegi lahaa xasaradaha soo noq noqday ee Abaaraha, dadaadka, Ayaxa iyo Cudurka Covid-19.