Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, ayaa maanta oo isniin ah shaacisay in cudurka Safmarka ah ee Covid-19, si dhaqso leh looga gudbi karo haddii wadamaddo adeegsadan qalab saxan lakiin Madaxda Hay’adda Caafimaadla Aduunka ayaa ka digay in cudurkaan uu s jiro doono waqti dheer haddii aan la isticmaalin qalab sax ah.
“Haddii aan isticmaalo aaladdaha aan gacanta ku hayno si sax, waan soo af-jari karna cudurkan si dhaqso ah Agaasimaha guud ee Hay’adda Caafimaadka adduunka WHO Dr Tedros Adhanom, ayaa yiri intii lagu guda jiray shirka Financial Times ee Africa oo uu qadka Internetka uu kaga qaybgalay. intaas waxaa uu ku daray Dr Tedros in la filaayo in dhammaan talaaladda Cudurka si dhameystiran loo soo saaro dhamaadka sanadkan 2020 iyo horaanta Sanadka 2021.
“Haddii aynaan adeegsan agabka saxda ee aan hayno wadamaddana ay haystaan waqti dheer ayuu nala joogaya Cudurka Safmarka ee Covid-2019” ayuu sheegay Agaasimaha guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus.