Madaxweynaha maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay xubnaha Hir-Shabeelle ku meteya guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo xalinta khilaafaadka.
Xubnahan ayaa lagu magacaabay wareegto ka sopo baxday xafiiska madaxweyne Waare, waxaana guddiga doorashooyinka Hir-Shabeelle ku meteli doona Maxamed Maxamuud Cadow iyo Cabdinaasir Maxamed Guuleed.
Sidoo kale xubnaha guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka waxaa Hir-Shabeelle ku meteli doona Liibaan Cusmaan Nuur iyo Farxiyo Xassan Cismaan, sida ku cad wareegtadan ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare.