Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya Abuukar Cismaan Dubbe ayaa si rasmi ah xilka kagala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye”.
Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa ka qeyb galay munaasabadda xil wareejinta oo ay goobjoog ka ahaayeen Xildhibaano, mas’uuliyiin ka socday maamulka gobolka Banaadir iyo howlwadeenada Wasaaradda.
Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa bogaadiyay shaqooyinkii hore uu u soo qabtay Wasiirkii hore ee warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, isagoona Wasiirka cusub ee Wasaaradda kula dardaarmay inuu sii wado qorshaha dib u habeynta Warbaahinta Qaranka iyo xoojinta isku xirka Warbaahinta iyo Dowladda.