Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada maamulka Koonfur Galbeed & Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay gobolka Bakool.
Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada Koonfur Galbeed ku leeyihiin banaanka degmada Xudur oo ah Xarunta Gobolka Bakool, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal muddo saacado ah socday.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, sidoo kalena ay jireen tiro madaafiic ah oo ay is weeydaarsadeen.
Khasaaro kala duwan ayaa ka dhashay dagaalka dhexmaray Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed & Al-Shabaab, waxaana Saraakiisha Ciidamada Koonfur Galbeed ay sheegeen inay iska difaaceen weerarka kaga yimid dhinaca Al-Shabaab.
Wararkii ugu dambeeyay ee saaka aan ka heleyno degmada Xudur ee Xarunta gobolka Bakool ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Maamulka Koonfur galbeed ay duleedka degmadaasi ka wadaan howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.