Madaxweynihii Maamulka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa shaaca ka qaaday in uu iska casilay xilkii madaxtinimada ee Maamulka Hirshabelle.
War qoraala oo ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Waare ayuu ku shaaciyay is casilaadiisa, isagoona qiil u yeelay tallaabada uu xilka isaga casilay.
Qoraalka ayaa marka hore looga waramay aasaaskii Hirshabelle, oo dhismaheedii loo maray sifo khaldan, xilli dalka uu ku jiray doorashada federaalka, haatana in dhismaha Baarlamaanka 2aad ee Hirshabelle uu ku soo aaday, iyadoo dalka uu wajahayo marxalad doorasho.
Madaxweyne Waare ayaa soo jeediyay in dib loo dhigo doorashada Hirshabelle, illaa iyo inta laga soo geba-gabeynayo midda qaranka, si wadatashi mug leh looga yeesho dhismaha Hirshabelle-da cusub, lana saxo khaladaadkii hore, si doorashadu u noqoto mid lagu wada qanacsan yahay.
Waare ayaa wax nasiib-darro ah ku tilmaamay in qanac laga muujiyo dhabaha lagu wado dhismaha Hirshabelle, isagoona Dowladda Federaalka, Xildhibaanada Hirshabelle ku metela Baarlamaanka Federaalka, Odayaasha Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta Mucaaradkaba ku dhaliilay inay ka hadli waayeen wadada ay ku socoto doorashada Hirshabelle, isla-markaana ay u arkaan mid tub toosan ku socoto.
Akhriso is casilaadda Waare