Waxaa soo dhamaatay doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka 2aad ee dowlad gobolleedka Hirshabeelle iyadoo Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed loo doortay in uu noqdo guddoomiyaha Baarlamaanka.
Guddoomiyaha cusub ayaa helay 77 cod halka musharixiin la tartamayay Maxamed Maxamuud Goodir uu helay 21 cod guud ahaan marka la eego xildhibaannadii codadka dhiibatay oo ahaa 99 mudane iyadoo hal codna la sheegay in uu xumaaday.
Guushan uu gaaray Cabdixakiini Luqmaan ayaa horeyba loo sii hadal hayay in uu noqonaya guddoomiyaha Baarlamaanka Labaad ee Hirshabeelle.
Xildhibaan Siraaji Sheekh Isxaaq, ayaa isna loo doortay guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka HirShabeelle kadib markii uu tanaasulay Xildhibaankii la tartamayay ee Saadaq Salaad Warsame.
Xildhibaan Siraaji, ayaa si gacan taag ah loogu codeeyay waxa uuna sidaas ku noqday guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka HirShabeelle.
Guddiga ayaa sheegaya in hadda laguda geli doono doorashada guddoomiye ku xigeenka 2-aad oo ay ku tartamayaan Xildhibaan Axmed Cilmi oo hore xilkaan u heysay iyo Xildhibaan Mahad Xasan Cusmaan oo ka tirsan baarlamaankii hore ee HirShabeelle hadane ku soo laabtay baarlamaanka 2-aad.
Siyaasiin, odayaal dhaqan iyo xubno ka socda qeybaha Bulshada ayaa goob joog ah doorashada maanta ka socoto Jowhar waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay soo dhamaato