Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ah musharax madaxweyne ayaa xalay kulan gaar ah hoygiisa kula qaatay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda dalka uu marayo, sida loo heli karo hannaan doorasho oo cadaalad ah iyo in guddiyada doorashada ay noqdaan kuwa lagu soo xulo hannaan lagu wada qanacsanyahay.
Sidoo kale labada masuul ayaa isla soo hadal qaaday in doorashada la filaayo in ay dalka ka dhacdo horaanta sanadka soo socda iyo dabayaaqada sanadkan ay noqoto mid ku dhacda waqtigeeda, isla markaana loo maamulo hanaan wanaagsan si looga baaqsado khalalaase dalka ka dhaca.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa dhinaciisa sheegay in loo baahanyay talo, wadahadal, isu tanaasul iyo heshiis loo dhanyahay in laga gaaro doorashada, si loo helo xasillooni siyaasadeed oo horay loogu socdo.
Cabdikariin Guuleed ayaa isna sheegay in muhiim ay tahay helidda xal waara oo degdeg ah oo ay gaaraan saamileyda siyaasadda, si loo helo doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu wada qanacsanyahay.