Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbidhagax ayaa cadeeyey cidda ay la tahay inay masuul ka aheyd in loo dhiibo Itoobiya, sidoo kale waxa uu ka hadlay waxa uu ka aaminsanyahay musharaxnimada Xasan Cali Kheyre.
Cabdikariin Qalbidhagax oo wareysigan siiyey Weriye Ayaanle Xuseen Cabdi ayaa sheegay in dalkan loo doortay Maxamed Cabdullahi Farmaajo, isaguna uu leeyahay mas’uuliyadda koowaad ee dhibaatooyinkii dhacay.
“Dunuubtan tirada badan ee dalka ka dhacay, markii aan si fiican u qiimeyno waxaa jira qof wadankan loo doortay, shacabka Soomaaliyeed baarlamaanka ay soo doorteen waxay cod siiyeen Farmaajo, isaga ayey aheyd inuu xafido xuquuqda qofka mawaadinta ah intii uu awoodo, dembi kasta oo dhacay marka waxaa mas’uuliyadiisa koowaad iska leh Madaxweynihii umadaan ay dooratay Maxamed Cabdullahi Farmaajo” ayuu yiri Qalbidhagax.
Mar wax laga weydiiyey sida uu arko musharaxminada Kheyre oo xilligii la dhiibay ahaa wasiirkii koowaad ee xukuumadda ayuu sheegay inuu bogaadinayo, hadii Kheyre isu arkay inuu yahay nin Soomaali wax tari kara.
Hoos ka Daawo wareysiga Qalbidhagax