Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa xalay hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay Madaxweynihii hore ee Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed.
Madaxweynaha Galmudug iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed, Hoggaamiyaha Xisbiga Sahan ahna musharax u taagan jegada madaxtinimada ee dalka ayaa iska xog wareystay xaaladda guud ee dalka iyo tan Galmudug.
Labada dhinac ayaa sidoo kale si dhow uga wadahadlay arrimaha doorashooyinka ee dalka iyo muranka cusub, ee maalmihii la soo dhaafay hareeyay.
Wararka ayaa sheegaya in Guuleed uu Madaxweynaha Galmudug la wadaagay walaaciisa ku aadan, sida aan loogu kalsoonaan karin madaxbannaanida Guddiyada Doorashooyinka iyo Xalinta Khilaafaadka.
Guuleed iyo musharaxiinta kale ee mucaaradka ayaa doonaya in la bedelo xubnaha Guddiyada Doorashoyinka qaarkood, bacdamaa ay ku doodayaan inay ka tirsan yihiin Saraakiisha Hay’adda Nabad Suggida iyo weliba Shaqaalaha Xafiisyada Madaxda qaarkood.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxweyne Qoorqoor uu ka cago jiidayo in uu bedelo Guddiyada Doorashooyinka, qaybtooda ay soo magacawday Galmudug.
Dowladda Federaalka ayaa si cad uga hortimid in wax laga bedelo nidaamka lagu soo magacaabay Guddiyada Doorashooyinka Qaranka.
Musharaxiinta Mucaaradka ayaa waxaa maanta lagu wadaa in uu shir uga furmo Magaalada Muqdisho, kaasoo loo fishay mid ay culeys ku saarayan Dowladda Federaalka.