Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo Maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa la kulmay Cabdi Casiis Xasan Maxamed ( laftagareen).
Kulanka ayaa labada mas’uul waxaa ay uga wada hadleen dardar gelinta howlaha doorashoyinka Baarlamaanka dardargelinta arrimaha doorashooyinka dalka iyo hirgelinta mashaariicda horumarineed ay dowladdu u qorsheysay deegaannada Mayland .
Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa Ra’iisul Wasaaraha kusoo dhaweeyay Baydhabo, waxaana uu sheegay in howlaha u diyaar garoowga doorashooyinka ay ku guda jiraan.
Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda ayaa kulamo wada tashi ah la qaadan doona masuuliyiinta, odayaasha deeganka iyo bulshada rayidka Reer Mayland si uu uga dhageysto warbixinno ku saabsan nolosha deegaannada, caqabadaha jira iyo talooyinkooda ku aaddan horumarinta Dalka.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa booqan doona Xerooyinka Ciidamada Dowladda ee qeybta 60aad si uu ugu kuurgalo xaalada Ciidamada, waxaana uu kulan la qaadan doonaa Saraakiisha Ciidamada.