Inta la xaqiiyey laba ruux oo kalluumeysato Yemeniyiin ah ayaa ku geeriyooday, halka 4 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, kadib roob dabeylo wata oo ku dhuftay deegaanka Xaafuun ee gobolka Bari.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegay in guryo badan ay dumeen, iyadoona inta badanna guryaha magaalada saqafkii, uu kala tagtay dabaysha.
Magalaada Hurdiya oo aan ka fogayn Xaafuun badda ayaa ku soo kacday,dadkiina waxay u barakeceen bannaanka magaalada.
Doonyo kalluumeysi ayaa sidoo kale ku soo caariyey, qaar kalena badda ayaa la tagtay.
Roobka xoogan ayaa xalay iyo saaka ka da’aya gobollada Bari , iyo Sanaag.