Militariga Itoobiya ayaa si weyn ugu diyaargaroobay hawlgalka la qorsheeyay in lagu qabto Magaalada Mekelle ee Xarunta Maamulka Tigreyga.
Ciidamada Federaalka Itoobiya oo hareereeyay Magaalada Mekelle ayaa la sheegay in tan iyo Axadii aanay wax weerar ah qaadin, sababo ku aadan 72 saac oo loo qabtay in ay isu soo dhiibaan Hoggaanka Tigreyga.
Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ayaa Axadii muddo 72 saac ah u qabtay inay isu soo dhiibaan Maamulka Gobolka Tigreyga. Ra’iisal Wasaaraha ayaa qoraal ku sheegay in hawlgalka uu galay wejigiiisii 3aad, uguna dambeysay ee diiradda lagu saarayo qabashada Xarunta Maamulka Tigreyga ee Mekelle. Saacado kooban ayaana ka harsan mudadaasi loo qabtay.
Warbaahinta Dowladda ayaa soo bandhigtay gaadiidka xamuulka ee qaada madaafiicda ridada dheer, oo gaaraya jiidda hore ee dagaalka.
Taliska Militariga Itoobiya ayaa Axadii dadka ku dhaqan Magaalada Mekelle ugu baaqay inay isaga baxaan magaaladaasi, sababo ku aadan suurtagalnimada bay yiraahdeen in magaalada la duqeeyo.
Inta laga warqabo in ka badan afartan kun oo qof ayaa ku barakacay dagaalka ka socda Waqooyiga Itoobiya, kuwaa oo sida la sheegay ka gudbay xuduudda Itoobiya la wadaagto Suudaan.
Debretsion Gebremichael, Hoggaamiyaha Maamulka Tigreyga ayaa sheegay in shacabkiisa ay diyaar u yihiin inay la dagaalamaan Ciidamada Federaalka.
Gobolka Tigreyga ayaa waxaa maalmahaanba gabaabsi ka sii ahaa quutul-daruuriga, ka dib markii ay si weyn u go’doomiyeen Militariga Federaalka.
Sidoo kale shaqaalaha gargaarka ee Qaramada Midoobey ayaa Talaadadii ka digay in saadka gargaarka ee gurmadka deg-degga uu gabaabsi ka sii noqonayo Gobolka Tigreyga, ka dib markii ay sheegeen in loo diiday in shaqaale iyo gargaarba u diraan gobolkaasi.
Xukuumadda Addis Ababa ayaa diiday baaqyadii faraha badnaa ee caalamka intiisa kale kaga imaanayay, ee lagu dalbanayay in dagaalka la joojiyo, khilaafkana wadahadal lagu dhammeeyo.
Itoobiya oo u diyaargarowday hawlgalka lagu qabanayo Xarunta Gobolka Tigreyga
previous post