Joe Biden, Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka ayaa sheegay in kooxda uu u magacaabay qaban-qaabada xilwareejinta, ay wada shaqayn wanaagsan ka helayaan Maamulka Donald Trump.
Madaxweyne Trump ayaa Isniintii amray in la bilaabo qaban-qaabada munsaabadda xilwareejinta, isagoo Joe Biden ku wargeliyay in si rasmi ah uu u bilaaban karo hannaanka uu xafiiska kula wareegayo.
Joe Biden ayaa Talaadadii sheegay in America ay soo laabatay, diyaarna uu u yahay inuu ka shaqeeyo, sidii Mareykanka uu dunida u hoggaamin lahaa.
Biden ayaa bilaabay inuu magacaabo qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada, iyadoo qaar kalana la fillaayo in dhawaan uu soo magacaabo.
Antony Blinken ayaa waxaa loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Arrimaha Dibadda.
Alejandro Mayorkas ayaa loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Amniga Gudaha. Ninkan ayaa horey u soo noqday Kuxigeenka Arrimaha Gudaha, waana markii ugu horeysay oo xilkaasi uu qabto nin asal ahaan ka soo jeeda dalka Cuba.
Avril Haines oo horey Aqalka Cad uga soo noqotay Lataliyaha Arrimaha Amniga ayaa loo magacaabay Agaasimaha Sirdoonka Qaranka, waana markii ugu horeysay oo xilkaasi loo magacaabo qof dumar ah.