Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ugu dambeen ogolaaday in xilka uu ku wareejiyo Joe Biden, oo ku guuleystay doorashadii 3-dii bishan ka dhacday dalkaasi.
Madaxweyne Trump ayaa amray in la bilaabo qaban-qaabada munsaabadda xilwareejinta, isagoo Joe Biden ku wargeliyay in si rasmiya uu u bilaaban karo hannaanka uu xafiiska kula wareegayo.
Madaxweynaha ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay in Hay’adaha Federaalka ay sameeyaan waxa ay tahay in la sameeyo, si xilwareejinta u bilaabato.
Trump ayaa ku hanjabay inuu sii wadi doono loolankiisa dhinaca sharciga, ee uu ku doonayo in lagu buriyo natiijadii ka soo baxday doorashada.
Hadalka Trump ayaa ku soo aadaya, xilli toddobaadyadii la soo dhaafay uu ka biyo diidanaa inuu aqbalo in doorashada looga guuleysatay iyo guuldarooyin uu kala kulmaayay maxkamadaha.
Madaxweyne Trump oo ogolaaday inuu xilka wareejiyo
previous post