Dagaal culus ayaa xilligan ka socdo deegaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug, ka dib markii Al Shabaab ay saaka dhawr jiho ka weerartay deegaankaasi.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Militariga iyo maleeshiyaad deegaanka ah ay iska caabinayaan dagaal-yahanada Al Shabaab ee weerarka soo qaaday.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in dagaal aad u xoogan uu xilligan ka soconayo deegaankaasi, isla-markaana ay labada dhinac isku adeegsanayan hubka noocyadiisa kala duwan.
Al Shabaab waxay sheegatay in ay cagta marisay saldhig militari oo halkaasi ay ku leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka, inkastoo aanay jirin cid madaxbannaan oo sheegashadaasi xaqiijin karta.
Shabaabku waxay sheegteen in dagaalka ay ku qabsadeen shan ka mida gaadiidka dagaalka, kuwaa oo isugu jira sida ay sheegeen laba Zuug, laba Cabdi Bille oo qoriga dhashiikaha uu saaran yahay iyo gaari kale oo qoriga B10-ka uu ku rakiban yahay.
Maamulka Galmudug iyo Saraakiisha Ciidamada ayaan weli ka hadlin dagaalka xoogan, ee la soo sheegayo in saaka uu ka socdo deegaanka Bacaadweyn.
Weerarkan ayaa ku soo aadaya, xilli Ciidamada Militariga ay muddooyinkii ugu dambeysay wadeen guluf ka dhan ah deegaanada ay Al Shabaab kaga sugan tahay Gobolada Dhexe.