Munaasabad lagu qabtay xerada Bali-doogle ayaa waxaa tababar heerkiisu sarreeyo loogu soo xiray cutubto ka tirsan ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska Danab, waxaana ciidankaan tababarka usoo xiray Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/guuto Odawaa Yuusuf Raage.
Tababarkaan oo gacan ay ka geysatay dawladda mareykanka ayaa socday muddo dheer, waxaana bixinayey macalimiin katirsan kumaandooska Danab, iyaddoo Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa uu salaan sharaf ka qaatay ciidankaan sida gaarka ah loo tababaray.
Waxay soo bandhigeen Ciidankaan dhoola-tus heerkiisu sareeyo, kaasi oo ay kamid ahaayeen habka cadawga loo beegsado, difaacu nafsiga, waxaana sidoo kale ay soo bandhigeen dabrid iyo hababka kale ee dagaalka.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Odawaa Yuusuf Raage oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in ciidankaan kumaandooska ay ka qeyb qaadan doonaan howlgalada lagula dagaalamayo Alshabaab.
“Waxaan u mahadcelinayaa Macalimiinta waqtiga dheer geliyay Cutubyadaan, kuwaas oo soo bandhigay xirfad aad u sareysa oo ku saabsan dhanka tababarkooda, Tani waa bilawga waajibaadkeena iyo wadiiqadii aanu ku gaari laheyn hadafkeena, waxaa idiin furmay albaabkii koowaad ee aad ka geli laheydeen Hawlgallada socda ee looga dulqaadayo cadawga Dalkeena. Waxaan idiin rajeynayaa guul, caafimaad iyo in aad noqotaan kuwii xaqiijiyo Hiigsiga Qaranimada Ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Odawaa Yuusuf Raage