Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ben Fender ayaa Magaalada muqdisho waxaa uu ka wadaa kulamo xasaasi ah oo uu la leeyahay Siyaasiyiinta kala duwan ee Soomaliyeed, waxaana kualmadiisa ugu badan uu ku bixiyay Musharixiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
Warar hoose ayaa sheegaya in dhawaanahaan uu ku howlanaa Ben Feder sidii uu kulamo joogta ah ula qaadan lahaa Musharixiinta Mucaaradka ah ee Muqdiosho ku shirsan,AKHRISO
Waxyaabaha uu kala hadlay siyaasiyiinta oo aan Warbaahinta loosoo bandhigin ayaa waxaa la sheegaya in inta badan kulamada lagu lafa guray arrimo la xariira doorashada dalka ka dhici doonta, waxaana wararku intaas ku darayaan in Safiirku uu Musharxiinta weydiiyay aragtiyadooada ku aaddan Siyaasadda dalka, gaar ahaan doorashada.
Doorashada Soomaaliya ka dhici doonta ayaa loo madalsan yahay in dalka ay ka dhacdo dhammaadka sanadkaan iyo billowga Sanadka cusub, waxaana wali cirka isku sii shareeraya khilaafka iyo walaaca ay muujinayaan Xubnaha Musharixiinta Mucaaradka oo dhawaan shirkii ay muqdisho ku yeesheen kaga hor yimid guddiga doorashada.