James Swan, Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somaliya ayaa ku baaqay in shir isugu yimaadaan Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada.
Wakiilka oo walaac ka muujiyay muranka hareeyay doorashada lagu wado in dalka ka dhacdo 2020/21 ayaa sheegay in loo baahanyahay in laga gudbo wax kasta oo caqabad ku keeni kara.
Wakiilka oo ka hadlayay shirkii maanta Magaalada Muqdisho uga furmay Somaliya iyo Beesha Caalamka ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in doorashada waqtigeeda ku dhacdo, isla-markaana ay ka qaybgalaan dhammaanba daneeye-yaasha siyaasadda ee dalka.
James Swan ayaa sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in doorashada ay noqoto mid loo dhanyahay, heshiis-na lagu yahay.
Muranka hareeyay doorashada ayaa soo ifbaxay, ka dib markii daneeye-yaasha siyaasadda qaarkood ay ka horyimaadeen Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka qaarkood, sababo ku aadan iyagoo ku andacooday in ay ka tirsan yihiin Saraakiisha Hay’adda NISA iyo Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah qaarkood.