Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee waqtigiisa sii dhamaanayo ayaa diiday qorshe lagu doonayay in saraakiisha aqalka cad ay qaatan talaalka cusub ee cudurka Coronovirus.
Saraakiisha Aqalka Sare ayaa hore sheegay in xubnaha sare ee maamulka Trump ay ka mid noqon doonan dadka ugu horreeya ee qaata talaalka Pfizer/BioNTech.
Hase yeeshee, Madaxweyne Trump ayaa sheegay inuu dalbaday in la sameeyo qorsha wax looga badelaayo talaalka. Talaalka ayaa 95% ka hortagaayo cudurka Covid-19.
Tallaalkan ay soo saareen shirkadaha Pfizer/BioNtech wuxuu u baahan yahay in lagu keydiyo qabow gaaraya -70C oo cabbirka heer kulka ah, laguna qaado gaari tallaagad leh oo baraf qallalan sido isla-markaana GPS lagula socdo.
Shirkadda sameysay waxay sheegtay 94.5% inuu tallaalkan uu cudurka dadka ka difaacayo
UK xilliga guga waxay heli doontaa shan malyan oo tallaalkaasi ka mid ah.
Qofka waxaa la siinayaa laba qayb oo dawada ka mid ah oo ay afar toddobaad u dhaxeyso.
30,000 oo qof ayaa tijaabada tallaalkan ka qayb qaatay halka kala bar dadkaasi tallaal ahaan u qaateen barka soo harayna irbad ahaan loo siiyey.