Guddiga doorashada heer Federaal ee lagu muransan yahay ayaa soo saaray jadwal doorasho waxaana ay shaaciyeen in 26 bisha December 2020 diiwaan gelinta tartamayaasha doorashada Aqalka Sare, halka laga sugayo Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada inay soo saaraan liiska Musharaxiinta Aqalka Sare 29 bisha December.
Doorashada Aqalka Sare ayaa lagu sheegay jadwalka in lagu soo dhameystiro 31 December 2020 illaa 6 Janaayo 2021.
Sidoo kale waxaa jadwalka lagu sheegay in guddiga ay guda galayaan 7 Janaayo 2021 diiwaan gelinta, xaqiijinta iyo tababarida xubnaha odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ee ka qeyb galaya xulista ergooyinka doorashada.
Halkan hoose ka akhriso:-